Somaliland iyo Kanada oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, oo ay wehelinayeen agaasimaha iyo agaasime-ku-xigeenka Xafiiska Isku-dubbaridka Amniga Baddaha (MSCO), ayaa kulan la yeeshay Mark Seniuk, oo ka socday Safaaradda Kanada ee Nairobi, Kenya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xilli marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo kuwa gobolka ay wajahayaan caqabado dhinaca amniga ah.
Agaasimaha Guud ayaa kulanka kaga hadlay xaaladda guud ee amniga badda Somaliland, isagoo xusay doorka Somaliland ee ilaalinta xeebaha iyo marinnada badda. Waxa uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay iskaashi dhow la yeelato saaxiibbadeeda caalamiga ah si loo xoojiyo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in xeebaha Somaliland ay ka caaggan yihiin budhcad-badeedda iyo khataraha kale ee halis gelin kara maraakiibta ganacsiga, isagoo xusay in goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ay fursad u siinayso inay door ka qaadato sugidda amniga marinnada ganacsiga ee gobolka.
Agaasimaha Guud ayaa si gaar ah u xusay marinka Baab-al-Mandab iyo Badda Cas, kuwaas oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.
Dhankiisa, Mark Seniuk ayaa sheegay in booqashadiisu qayb ka tahay u kuurgalidda xaaladaha amni iyo dhaqaale ee gobolka. Intii uu Somaliland joogay, wuxuu booqday magaalada Berbera, isagoo bogaadiyay horumarka laga sameeyay dekedda, ganacsiga iyo Aagga Dhaqaalaha Xorta ah ee Berbera.
Seniuk ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga lagu ilaalinayo marinnada ganacsiga, gaar ahaan marka la eego goobta Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed iyo u dhawaanshaheeda Baab-al-Mandab iyo Badda Cas.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi ay ka qayb qaataan dhinacyada caalamiga ah, oo ay Kanada ka mid tahay, si wax looga qabto caqabadaha amni ee ka jira marinnada ganacsiga ee gobolka.


0 





