Al-Sisi: Midnimada Suudaan Waa "Khad Cas" oo Masar u Yaalla, Heshiiska Gaza-na Waa In La Horumariyaa

0
Monday September 14, 2026 - 09:30:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 5
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Sisi: Midnimada Suudaan Waa "Khad Cas" oo Masar u Yaalla, Heshiiska Gaza-na Waa In La Horumariyaa

    Labada dhinac ayaa sidoo kale taageeray in la dhiso dowlad Falastiini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada dhinac ayaa sidoo kale taageeray in la dhiso dowlad Falastiini



Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ayaa sheegay in amniga, madaxbannaanida, xasilloonida iyo midnimada Suudaan ay yihiin "khad cas” oo Masar u yaalla, isagoo sidoo kale ku baaqay in la dardar-geliyo wejiga labaad ee heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.

 

Al-Sisi ayaa hadalladan ka sheegay kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, kuwaas oo ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, xilli ay halkaasi ka socotay shir-madaxeedka BRICS.

 

Kulankii uu la yeeshay Ramaphosa, Al-Sisi wuxuu ku celiyay in Masar ay taageersan tahay madaxbannaanida, xasilloonida iyo midnimada dalalka Afrika, isagoo si gaar ah u xusay Suudaan. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Qaahira aysan aqbali doonin wax kasta oo khatar gelinaya amniga Suudaan, midnimadeeda ama dhulkeeda.

 

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay colaadaha iyo dhibaatooyinka ka jira qaaradda Afrika, iyagoo isku raacay muhiimadda xalal nabadeed iyo in la xoojiyo iskaashiga Masar iyo Koonfur Afrika ee goleyaasha caalamiga ah iyo kuwa Afrika.

 

Al-Sisi ayaa soo jeediyay in xiriirka Masar iyo Koonfur Afrika loo qaado heer iskaashi istiraatiiji ah, isla markaana guddiga wadajirka ah ee labada dal loo beddelo hannaan heer sare ah oo kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga. Ramaphosa ayaa soo dhaweeyay soo jeedintaas.

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale taageeray in la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, iyadoo la raacayo qaraarrada caalamiga ah, waxayna carrabka ku adkeeyeen muhiimadda sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan xal u helidda khilaafaadka la xiriira kheyraadka biyaha ee ay wadaagaan dalalka.

 

Kulankii Al-Sisi iyo Guterres ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Gaza, iyadoo madaxweynaha Masar uu sheegay in Qaahira ay la shaqaynayso dhexdhexaadiyeyaasha si loo horumariyo hirgelinta wejiga labaad ee xabbad-joojinta Gaza. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in beesha caalamku hubiso in gargaar bani’aadannimo oo ku filan uu gaaro shacabka Falastiin.

 

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay dib-u-habaynta Qaramada Midoobay. Al-Sisi wuxuu taageeray tallaabooyin lagu yareynayo kharashaadka, dib loogu eegayo waajibaadka hay’adaha iyo kor loogu qaadayo isku-duwidda hay’adaha Qaramada Midoobay, balse wuxuu ku adkeystay in dalalka xubnaha ka ah QM ay iyagu lahaadaan go’aanka iyo hoggaanka geeddi-socodka dib-u-habaynta.


Loading...
Loading...