Suuriya Oo Qiimaha Shidaalka Kordhisay, Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalooyin Badan

0
Monday September 14, 2026 - 09:20:41 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 8
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuriya Oo Qiimaha Shidaalka Kordhisay, Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalooyin Badan

    Dowladda ayaa sheegtay in korodhka qiimaha shidaalku yahay mid ku-meel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda ayaa sheegtay in korodhka qiimaha shidaalku yahay mid ku-meel



Dibadbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Suuriya, kadib markii dowladda dalkaasi ay kordhisay qiimaha shidaalka, taas oo cabasho xooggan ka dhalisay bulshada.

 

Dowladda Suuriya ayaa qiimaha naaftada kordhisay ilaa 40 boqolkiiba, halka qiimaha baatroolkana lagu kordhiyey 28 boqolkiiba, taas oo saamayn ku yeelatay kharashaadka gaadiidka iyo nolosha dadka.

 

Dowladda ayaa sheegtay in korodhka qiimaha shidaalku yahay mid ku-meel-gaadh ah, iyadoo sabab uga dhigtay korodhka weyn ee ku yimid kharashka shidaalka laga soo iibsado suuqyada caalamka.

 

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ayaa dhaliyey dibadbaxyo ka socda magaalooyin kala duwan, iyadoo wararka laga helayo goobahaasi ay sheegayaan in qaar ka mid ah mudaharaadyadu ay rabshado wataan.

 

Dad badan oo ka qaybgalaya dibadbaxyada ayaa lagu soo warramayaa inay waddooyinka ku gubayaan taayaro, iyagoo muujinaya sida ay uga cabanayaan korodhka qiimaha shidaalka iyo culayska dhaqaale ee ka dhalan kara.


Loading...
Loading...