Sacuudiga Oo Imaaraadka Kala Hadlay Xoojinta Midnimada Iyo Iskaashiga Yemen
Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay inay si degdeg ah ula xiriirtay Imaaraadka Carabta, iyadoo labada dal ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo midnimada iyo iskaashiga, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha xaaladda Yemen.
Wadahadalka ayaa dhacay xilli xaaladda Yemen ay marayso marxalad xasaasi ah, kadib markii Xuutiyiintu ay horumar ka sameeyeen qaybo muhiim ah oo dalka ka mid ah, taas oo saamayn ku yeelatay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, ayaa la sheegay inuu la hadlay dhiggiisa Imaaraadka, iyadoo diiradda la saaray sidii loo mideyn lahaa aragtida labada dal ee ku aaddan xaaladda Yemen iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Sacuudiga iyo Imaaraadku ay hore u lahaayeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha Yemen. Warbixinno cusub ayaa sidoo kale muujinaya in xaaladda amni ee Yemen ay sii cakirmayso, iyadoo Xuutiyiintu ay qabsadeen dhulal muhiim ah oo ku dhow xeebta Badda Cas iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab.
Imaaraadka ayaa dhinaciisa hore u muujiyey taageerada uu u hayo amniga Sacuudiga, gaar ahaan kadib weerarradii Xuutiyiintu ku qaadeen xarumaha rayidka iyo dhaqaalaha ee gudaha Boqortooyada.
Sidaas darteed, dadaallada lagu xoojinayo isku-duwidda Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa imanaya xilli labada dal ay wajahaan caqabado amni oo isa soo taraya, gaar ahaan kuwa la xidhiidha Yemen, Badda Cas iyo amniga marin-biyoodka Baabul-Mandab.


0 





