Machadka Shaqaalaha Dawladda Oo Hargeysa Ka Daah-furay Tababar Ku Saabsan Dhaqan-gelinta Sharciga Iyo Maaraynta Khataraha

0
Sunday September 13, 2026 - 18:28:50 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 6
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Machadka Shaqaalaha Dawladda Oo Hargeysa Ka Daah-furay Tababar Ku Saabsan Dhaqan-gelinta Sharciga Iyo Maaraynta Khataraha

    Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalaya 30 hawl-wadeen oo ka kala socda 15

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalaya 30 hawl-wadeen oo ka kala socda 15


Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI), Maxamuud Siciid Cadaad, ayaa magaalada Hargeysa ka daah-furay tababar soconaya muddo shan maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo dhaqan-gelinta sharciga iyo maaraynta khataraha.

 

Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalaya 30 hawl-wadeen oo ka kala socda 15 wasaaradood iyo hay’ado dawladeed, iyadoo ujeeddadu tahay in kor loo qaado fahamka iyo aqoonta shaqaalaha ee la xidhiidha shuruucda iyo habraacyada shaqo.

 

Sidoo kale, tababarka ayaa lagu baranayaa xeeladaha lagu aqoonsado, lagu qiimeeyo laguna maareeyo khataraha ka iman kara hawlaha hay’adaha dawladda, si loo xoojiyo habsami-u-socodka shaqada iyo u hoggaansanaanta sharciga.

 

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Machadka Shaqaalaha Dawladda ee lagu kobcinayo aqoonta iyo kartida shaqaalaha dawladda, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha sharciga, habraacyada shaqo iyo maaraynta khataraha.


Loading...
Loading...