Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland Oo Booqday Tayo-Maal Workshop
Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland, Mudane Cabdiqaadir Ismaaciil Axmed (Jaylaani), ayaa maanta booqday Tayo-Maal Workshop, oo uu aasaasay Maxamuud, oo ka mid ah dhalinyarada hal-abuurka leh ee door muhiim ah ka qaata horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.
Maxamuud ayaa muddadii uu shaqadan ku jiray soo saaray dhalinyaro badan oo bartay xirfado kala duwan, isaga oo abuuray fursado shaqo iyo xirfado cusub oo wax weyn kusoo kordhiyey bulshada.
Aasaasaha Tayo-Maal Workshop ayaa sidoo kale dhawaan la filayaa inuu soo bandhigo buug uu ka qoray xirfadaha, kaas oo la xidhiidha aqoonta iyo khibradaha uu ka helay hawlaha xirfadeed ee uu bulshada ka dhex wado.
Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland, Cabdiqaadir Jaylaani, ayaa farsamayaqaanka ku bogaadiyey dadaalka iyo hal-abuurka uu ku bixinayo horumarinta xirfadaha dhallinyarada.
Agaasimuhu waxa uu ku dhiirrigeliyey inuu sii wado dadaallada ku saabsan maalgelinta xirfadaha, hal-abuurka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada, isaga oo xusay muhiimadda ay leeyihiin dadaallada dhalinyaradu iskood ugu abuuranayaan fursadaha shaqo iyo horumarinta bulshada.


0 





