Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Booqday Xarunta Wasaaradda Ee Gobolka Togdheer
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Geeddi Qayaad, ayaa booqasho shaqo ku tegay Xarunta Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Togdheer, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Isuduwaha Wasaaradda iyo shaqaalaha xarunta.
Intii uu Wasiirku ku guda jiray booqashada, waxa uu warbixin ka dhegaystay habsami-u-socodka shaqada xarunta, adeegyada beeraha ee bulshada loo fidiyo iyo hawlaha horumarinta beeraha ee ka socda gobolka.
Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Togdheer ayaa Wasiirka siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda shaqaalaha, hawlaha xarunta, qorshayaasha socda iyo mashaariicda ay Wasaaraddu ka waddo gobolka.
Sidoo kale, Wasiir Aadan Geeddi Qayaad ayaa dhegaystay aragtiyada, talooyinka iyo baahiyaha ay soo jeediyeen shaqaalaha xarunta, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xarumaha gobollada iyo tayaynta adeegyada beeraha.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey dardargelinta taageerada loo fidiyo beeralayda iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha, si loo xoojiyo horumarinta waaxda beeraha iyo kaalinteeda dhaqaale.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ay ku xoojinayso kormeerka, isku-xidhka iyo tayaynta adeegyada beeraha ee gobollada dalka, gaar ahaan deegaannada muhiimka u ah wax-soo-saarka beeraha iyo horumarinta beeralayda.


0 





