Warbaahin Taageerta Xulafada Sacuudiga Oo Sheegtay In Jen. Tareq Saleh Uu Yemen Ka Baxay

0
Saturday September 12, 2026 - 15:48:05 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahin Taageerta Xulafada Sacuudiga Oo Sheegtay In Jen. Tareq Saleh Uu Yemen Ka Baxay

    Jen. Tareq Saleh ayaa horraantii sannadkan ku biiray dowladda Yemen ee uu Sacuudi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jen. Tareq Saleh ayaa horraantii sannadkan ku biiray dowladda Yemen ee uu Sacuudi



Warbaahin taageerta ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Jen. Tareq Saleh, oo hore uga mid ahaa saraakiisha dhinacyada koonfurta Yemen, uu dalka Yemen uga baxay dhanka badda, isla markaana uu haatan ku sugan yahay deegaano ka tirsan Soomaaliya.

 

Warbaahinta ayaa sheegtay in Jen. Tareq Saleh uu Yemen ka baxay kadib markii ciidamadiisa lagaga adkaaday difaacyadii ay ku lahaayeen magaalada Mocha (Mokha), isaga oo la sheegay inuu doon kaga gudbay badda.

 

Jen. Tareq Saleh ayaa horraantii sannadkan ku biiray dowladda Yemen ee uu Sacuudi Carabiya taageero, kadib markii uu ka baxay dhinicii uu hore uga tirsanaa. Warbaahintu waxay sheegtay in tallaabadan ay la xidhiidho isbeddellada milatari iyo siyaasadeed ee ka socda koonfurta Yemen.

 

Wararka ayaa sidoo kale xusaya in hoggaamiyihii hore ee STC, Cabaas Caydaruusi, uu isaguna dooni kaga baxay deegaanka, isagoo ka sii gudbay Muqdisho ka hor intii aanu u sii gudbin Abu Dhabi.

 

Dhanka kale, warbaahinta taageerta xulafada Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidamadii iyo saraakiishii uu Sacuudigu la wareegay xilligaasi iyo dhulalkii ay gacanta ku hayeen ay hadda lumiyeen gacan-ku-hayntii, iyadoo qaybo ka mid ah deegaannadaasi ay galeen gacanta Xuutiyiinta.

 

Warbaahintu waxay arrintan ku tilmaantay dib-u-dhac ku yimid dadaallada Sacuudiga ee maaraynta goobihii ay hore u gacanta ugu hayeen dhinacyadii ay taageeri jirtay Imaaraadku, hase yeeshee faahfaahinta ku saabsan halka uu hadda ku sugan yahay Jen. Tareq Saleh iyo xaaladda goobahaasi waxay u baahan yihiin xaqiijin madax-bannaan.


Loading...
Loading...