Sheekh Cali Wajiis Oo Ku Taliyey In Gobol Kasta Looga Ogolaado Inuu Noqdo Maamul-goboleed
Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah la-taliyeyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), ayaa ka hadlay qaabka loo dhisay nidaamka federaalka Soomaaliya iyo qodobka dastuuriga ah ee qeexaya dhismaha maamul-goboleedyada.
Sheekhu waxa uu sheegay in Dastuurka Federaalka lagu qoray in laba gobol iyo ka badan ay samaysan karaan maamul-goboleed, isaga oo tilmaamay in nidaamkaasi uu sababay jahawareer iyo caqabado siyaasadeed.
Waxa uu soo jeediyey in dib loo eego arrintaas, isla markaana loo oggolaado in gobol keliya uu noqon karo maamul-goboleed, isaga oo tusaale u soo qaatay gobollada Hiiraan, Gedo iyo Mudug.
Sheekh Cali Wajiis ayaa yidhi: "Hooyada Federaalka Puntland ayaa Dastuurka noogu qortay; in laba gobol iyo ka badan ay maamul noqon karaan. Arrintaas waa na wareerisay, waxaan qabaa in la oggolaado in gobol noqon karo maamul-goboleed. Hiiraan ha noqoto maamul, Gedo ha noqoto, Mudug ha noqoto.”
Waxa uu sidoo kale dhaliil ka muujiyey habka gobollada loogu daray samaynta maamul-goboleedyada, isaga oo ku tilmaamay in isku-rarka gobolladu uu yahay qayb ka mid ah caqabadaha jira.


0 





