Taliyaha Booliska Somaliland Oo Sheegay In Saldhigyada Hargeysa Laga Hirgeliyey Nidaam Diiwaangelin Dijitaal Ah

0
Saturday September 12, 2026 - 15:26:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Somaliland Oo Sheegay In Saldhigyada Hargeysa Laga Hirgeliyey Nidaam Diiwaangelin Dijitaal Ah

    Waxa uu yidhi: "Waxaanu qalabaynay dhammaan saldhigyada caasimadda Hargeysa,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu yidhi: "Waxaanu qalabaynay dhammaan saldhigyada caasimadda Hargeysa,,,,



Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa sheegay in dhammaan saldhigyada Booliska ee Caasimadda Hargeysa lagu qalabeeyey kombiyuutarro, qalabka faraha lagu qaado iyo kaamirooyin, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu casriyeynayo habka diiwaangelinta iyo kaydinta xogta dembiyada iyo eedaysanayaasha.

 

Taliyaha ayaa sheegay in qalabkan loogu talagalay hirgelinta nidaam tiknoolajiyadeed oo casri ah, kaas oo lagu beddelayo habkii dhaqanka ahaa ee lagu diiwaangelin jiray xogta, gaar ahaan buuggii weynaa ee loo yaqaannay Oobiga.

 

Waxa uu yidhi: "Waxaanu qalabaynay dhammaan saldhigyada caasimadda Hargeysa, kombiyuutarro ayaanu dhignay, qalabkii faraha ayaanu dhignay iyo kaamirooyin. Waxaynu hindisnay inaanu saldhigyada ka qaadno buuggii weynaa ee Oobiga, kuna beddelno habka dhijitaalka ah.”

 

Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ayaa sheegay in nidaamka cusub uu suuragelin doono in xogta iyo faraha qofka eedaysanaha ah laga helo saldhig kasta oo dalka ka mid ah, taas oo fududaynaysa in si dhakhso ah loo aqoonsado qof hore saldhig looga qaaday faraha, isla markaana la helo xogtiisa.

 

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka casriga ahi uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo habka ay Ciidanka Boolisku u maareeyaan xogta la xidhiidha dembiyada iyo eedaysanayaasha, iyadoo tiknoolajiyada loo adeegsanayo fududaynta hawlaha baarista iyo diiwaangelinta.

 

Hadalkan ayuu Taliyuhu ka sheegay munaasabad loo soo xidhayey tababar loo qabtay 43 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo lagu baranayey ku shaqaynta aaladaha kombiyuutarka iyo tiknoolajiyada casriga ah.


Loading...
Loading...