Booliska Somaliland Oo Hargeysa Ku Qabtay Koox Lagu Eedeeyay Dhac Iyo Guryo-u-dhac
Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku dhigay koox abaabulan oo lagu eedeeyay inay habeenkii u dhici jireen guryaha dadweynaha, isla markaana dhac u geysan jireen meheradaha ganacsiga ee magaalada Hargeysa.
Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Qaybta Galbeed ee Caasimadda Hargeysa, kadib dedaal iyo daba-gal ay sameeyeen, ayaa lagu soo qabtay xubnaha kooxdaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falalka dhaca iyo guryo-u-dhaca.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in eedaysanayaasha si degdeg ah loo horgeyn doono hay’adaha garsoorka, si loo mariyo habraaca sharciga, loona qaado tallaabooyinka ku habboon haddii lagu helo dambiyada loo haysto.
Booliska ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin ciidamada ammaanka, gaar ahaan inay soo gudbiyaan xogaha la xidhiidha cid kasta oo ay uga shakiyaan falal amni-darro, si loo xoojiyo nabadgelyada iyo amniga guud ee magaalada.


0 





