Foreign Policy Oo Dood Ka Qortay Sababaha Ay Maraykanku U Tixgelin Karo Aqoonsiga Somaliland
Warbaahinta caalamiga ah ee Foreign Policy, oo si weyn uga faalloota siyaasadda caalamka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa soo bandhigtay dood ku saabsan sababaha ay Washington u tixgelin karto aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Maqaalka oo uu qoray Steven A. Cook, oo ah qoraa ka tirsan Foreign Policy isla markaana khabiir ka ah Council on Foreign Relations, ayaa lagu taageeray in Maraykanku dib u eego siyaasaddiisa ku aaddan Somaliland, iyadoo arrinta lagu salaynayo danaha istaraatiijiga ah ee Washington ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Warbixintu waxay xustay aqoonsigii ay Israel Somaliland siisay dabayaaqadii Diseembar 2025 iyo falcelintii xoogganayd ee arrintaasi ka dhalatay. Qoraagu waxa uu su’aal geliyey sababta dhabta ah ee ka dambaysa mucaaradnimada ay qaar ka mid ah dalalkaasi ka muujiyeen aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku dooday in arrintu aanay gebi ahaanba ku salaysnayn mabda’a ilaalinta midnimada iyo dhul-ahaanshaha Soomaaliya, balse ay sidoo kale qayb ka yihiin dano juqraafi-siyaasadeed oo gobolka ka jira.
Maqaalka ayaa sidoo kale dib u eegaya taariikhda Somaliland, oo ahayd maxmiyad British ah ka hor intii aanay xornimadeeda qaadan 1960-kii, kadibna ay si ikhtiyaari ah ula midoowday Soomaaliya. Somaliland ayaa 1991-kii dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda kadib burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii dalka ka dhacay, iyadoo tan iyo xilligaas dhisaysay hay’ado dowladeed, nidaam siyaasadeed, ciidamo iyo hay’ado amni oo u gaar ah.
Foreign Policy ayaa ku doodaysa in taariikhdaas iyo qaabkii ay Somaliland u dhistay hay’adaheeda muddo ka badan saddex iyo toban sano ay xaaladdeeda ka dhigayaan kiis siyaasadeed iyo sharci oo gaar ah, marka loo eego qaar ka mid ah gobollada kale ee dunida ee doonaya inay ka go’aan dalal jira.
Qoraagu waxa uu sidoo kale tusaale u soo qaatay xaalado kale oo ka dhacay Bariga Dhexe iyo gobollo kale, isaga oo tilmaamay in qaar ka mid ah dowladaha si adag uga soo horjeeda aqoonsiga Somaliland ay hore u taageereen ama ula macaamileen dhulal iyo maamulo ay xaaladdooda siyaasadeed muran ka taagnaa.
Sidaas awgeed, maqaalka ayaa ku doodaya in haddii dowladuhu mararka qaar mabda’a dhul-ahaanshaha uga leexdaan danahooda siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed, aanay cadaalad ahayn in Somaliland oo keliya lagu saleeyo doodda ah "ilaalinta midnimada Soomaaliya,” balse Washington ay si gaar ah u qiimayso danaha istaraatiijiga ah ee ay aqoonsiga Somaliland uga yeelan karto Geeska Afrika iyo Badda Cas.


0 





