Singapore Oo Kordhinaysa Mushaharka Wasiirrada, Ra'iisul Wasaare Lawrence Wong-na Mushaharkiisu Kor U Kacayo In Ka Badan 60%

0
Saturday September 12, 2026 - 15:09:43 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Singapore Oo Kordhinaysa Mushaharka Wasiirrada, Ra'iisul Wasaare Lawrence Wong-na Mushaharkiisu Kor U Kacayo In Ka Badan 60%

    Ra'iisul Wasaare Wong ayaa sheegay in lacagta dheeraadka ah ee uu ka heli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare Wong ayaa sheegay in lacagta dheeraadka ah ee uu ka heli



Dowladda Singapore ayaa ku dhawaaqday inay kordhinayso mushaharrada sanadlaha ah ee wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee haya xilalka sare ee dowladda, taas oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka, Lawrence Wong, oo horeba loogu tiriyaa hoggaamiyaha siyaasadeed ee ugu mushaharka badan dunida.

 

Wong ayaa la filayaa in xidhmada mushaharkiisa sanadlaha ah ay korodho ilaa S$3.6 milyan, marka loo eego mushaharka uu hadda qaato oo ah ku dhowaad S$2.2 milyan. Taasi waxay ka dhigan tahay korodh ka badan 60%.

 

Ra’iisul Wasaare Wong ayaa sheegay in lacagta dheeraadka ah ee uu ka heli doono kordhinta mushaharka uu ugu deeqi doono hay’ad samafal muddo shan sano ah, isaga oo sheegay in go’aankaasi aanu isaga faa’iido gaar ah ugu jirin.

 

Wong ayaa ku dooday in kordhinta mushaharrada masuuliyiinta sare ay muhiim u tahay sidii dowladda Singapore ay u soo jiidan lahayd dad leh karti iyo khibrad sare, gaar ahaan madaxda ganacsiga iyo shaqaalaha ugu sarreeya dowladda oo laga doonayo inay galaan siyaasadda.

 

Dowladda Singapore ayaa muddo dheer ku doodaysay in mushaharrada sare ee madaxda dowladda ay qayb ka yihiin dadaallada lagu yareynayo musuqmaasuqa, isla markaana lagu ilaalinayo in siyaasadda ay soo jiidato dad tayo sare leh.

 

Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ayaa dhaleeceyn ka keenay gudaha Singapore, gaar ahaan xilli ay jiraan walaacyo la xidhiidha amniga shaqada iyo korodhka qiimaha nolosha. Celceliska dakhliga bishii ee dalka ayaa lagu sheegay inuu yahay qiyaastii S$5,775, taas oo ka dhigaysa farqiga u dhexeeya dakhliga muwaadiniinta caadiga ah iyo mushaharka madaxda sare mid si weyn loo dareemayo.

 

Inkasta oo kordhinta cusub aanay weli dhaqan gelin, Wong ayaa weli ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dunida ugu mushaharka badan. Waxaa ku xiga madaxa fulinta Hong Kong, John Lee, oo qaata ku dhowaad $719,000 sanadkii, halka Madaxweynaha Switzerland, Guy Parmelin, uu qaato qiyaastii $606,000. Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, mushaharkiisu waa $400,000 sanadkii.


Loading...
Loading...