Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysiga Somaliland Oo Guddoomiyey Shirka Toddobaadlaha Ah Ee Agaasime-waaxeedyada

0
Saturday September 12, 2026 - 15:05:36 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysiga Somaliland Oo Guddoomiyey Shirka Toddobaadlaha Ah Ee Agaasime-waaxeedyada

    Shirka ayaa lagaga hadlay dardargelinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka ayaa lagaga hadlay dardargelinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda,...



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.

 

Shirka ayaa lagaga hadlay dardargelinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda, horumarinta waaxda kalluumaysiga iyo sidii loo xoojin lahaa ka faa’iidaysiga khayraadka badda ee Somaliland.

 

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud ayaa warbixinno ka dhagaystay Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, kuwaas oo ka warbixiyey hawlaha u yaalla waaxyahooda iyo qorshayaasha la xidhiidha horumarinta shaqada.

 

Kulanka ayaa qayb ka ah shirarka joogtada ah ee maamulka Wasaaradda, kuwaas oo lagu qiimeeyo hawlaha socda, lagu dardargeliyo qorshayaasha shaqo, laguna xoojiyo isku-duwidda waaxyaha kala duwan.


Loading...
Loading...