Trump Oo Sheegay Inuu $5,000 Siin Doono Muwaadiniinta Maraykanka Haddii Jamhuurigu Ku Guulaysto Labada Aqal Ee Congress-ka
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in qof kasta oo qaangaar ah oo haysta dhalashada Maraykanka la siin karo $5,000, haddii Xisbiga Jamhuurigu ku guulaysto labada aqal ee Congress-ka doorashooyinka dhexe ee bisha November.
Trump ayaa hadalkan ka sheegay shirkii ugu horreeyay ee Xisbiga Jamhuurigu qabto, kaas oo qayb ka ahaa diyaar-garowga doorashooyinka dhexe ee dalka. Waxa uu taageerayaashiisa ugu baaqay inay si weyn uga qaybqaataan doorashooyinka, isaga oo ku tilmaamay kuwo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku boorriyey taageerayaashiisa inay si firfircoon uga qaybqaataan codbixinta, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Jamhuurigu guul ka gaadho doorashooyinka soo socda.
Trump ayaa taageerayaasha kula dardaarmay inay u codeeyaan musharraxiinta Xisbiga Jamhuuriga "sida isaga laftiisa uu codbixinta ugu tartamayo,” isaga oo muujiyey muhiimadda uu siinayo in xisbigu gacanta ku dhigo labada aqal ee Congress-ka.
Hadalka Trump ayaa kusoo beegmaya xilli Xisbiga Jamhuurigu dardar gelinayo diyaar-garowga iyo abaabulka taageerayaashiisa ka hor doorashooyinka dhexe ee bisha November.


0 





