Washington Maxay Tahay Inay Samayso Marka Somaliland Laga Hadlayo?

0
Tuesday September 08, 2026 - 19:10:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington Maxay Tahay Inay Samayso Marka Somaliland Laga Hadlayo?

    Sidoo kale, waxaa lagu taliyey in Somaliland si gaar ah looga sooco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, waxaa lagu taliyey in Somaliland si gaar ah looga sooco



Warbixin lagu baahiyey shabakadda Center for International Maritime Security (CIMSEC) ayaa Dowladda Maraykanka loogu soo jeediyey inay qaaddo tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland, iyadoo lagu taliyey in Washington ay Somaliland u aragto saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

 

Warbixintu waxay soo jeedisay in tallaabada ugu horreysa ay noqoto in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku xafiis rasmi ah ka furato Hargeysa, si loo xoojiyo xidhiidhka iyo wada-shaqaynta labada dhinac.

 

Sidoo kale, waxaa lagu taliyey in Somaliland si gaar ah looga sooco xaaladda amni ee Soomaaliya marka Maraykanku soo saarayo digniinaha safarka, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni ee Somaliland iyo tan Soomaaliya inay kala duwan yihiin, sida lagu sheegay warbixinta.

 

Dhinaca siyaasadda, warbixintu waxay Congress-ka Maraykanka ugu baaqday inuu horumariyo oo ansixiyo Republic of Somaliland Independence Act, oo ah hindise-sharciyeed la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.

 

Arrimaha amniga ayaa iyaguna qayb weyn ka ahaa talooyinka warbixinta, iyadoo Wasaaradda Difaaca Maraykanka lagu boorriyey inay xiisaha ay u qabto Somaliland u beddesho iskaashi la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada la socodka iyo ilaalinta amniga badda.

 

Warbixintu waxay sidaas Somaliland ugu aragtaa, sida ay u dhigtay, meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Maraykanka ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta amniga badda iyo danaha la xidhiidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.


Loading...
Loading...