Madaxweyne Cirro Oo Maalmaha Soo Socda Bilaabaya Kulamada Masuuliyiinta Dowladda Maraykanka

0
Tuesday September 08, 2026 - 18:37:40 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro Oo Maalmaha Soo Socda Bilaabaya Kulamada Masuuliyiinta Dowladda Maraykanka

    Kulamada iyo shirarka rasmiga ah ee Madaxweynaha la filayo inuu la yeesho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulamada iyo shirarka rasmiga ah ee Madaxweynaha la filayo inuu la yeesho

May be an image of dais and text



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu si rasmi ah u bilaabo kulamada uu la yeelanayo madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee Dowladda Maraykanka.

 

Madaxweyne Cirro ayaa hoggaaminaya wefti ballaadhan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), wasiirro iyo la-taliyeyaal sare oo ka tirsan xukuumadda.

 

Kulamada iyo shirarka rasmiga ah ee Madaxweynaha la filayo inuu la yeesho masuuliyiinta Maraykanka waxaa qayb ka noqon doona xubnaha muhiimka ah ee weftiga, kuwaas oo kala ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdiraxmaan Daahir Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Fu’aad Axmed Nuux iyo Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Yuusuf Cali.

 

Sidoo kale, kulamada waxaa Madaxweynaha ku wehelin doona La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha Cabdiraxmaan Beyle, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cismaan Fadal iyo Wakiilka Somaliland ee Maraykanka, Bashiir Good.

 

Kulamadan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, iyo danaha istaraatiijiga ah ee labada dhinac. Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamada kaga hadlo qaddiyadda Somaliland iyo dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka caalamiga ah.

Loading...
Loading...