Afhayeenka Kulmiye Oo Dhaliilay Korodhka Qiimaha Korontada
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa dhaliilay korodhka ay shirkadaha korontadu ku sameeyeen qiimaha laydhka, isaga oo sheegay in tallaabadaasi meesha ka saarayso dadaalkii Madaxweynaha Somaliland ee lagu dhimayey qiimaha korontada.
Mustafe Shiine ayaa sheegay in bulshada Somaliland aanay awood u lahayn inay qaaddo culays kale oo ka dhasha korodhka qiimaha korontada, xilli muddo kooban uun laga nastay qiimihii sare ee hore.
"Korodhka laydhka ee shirkaduhu, wuxuu meesha ka saaraya dadaalkii Madaxweynaha ee jabinta qiimaha,” ayuu yidhi Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).
Afhayeenka Kulmiye ayaa xusay in Madaxweynaha Somaliland uu dadaal badan ku bixiyey sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa koronto qiimaheedu jaban yahay oo la isku hallayn karo, isaga oo tilmaamay in Madaxweyne Cirro intii uu gobollada dalka marayey uu bulshada ugu bishaaraynayey go’aanka lagu dhimay qiimaha korontada.
Waxa uu sheegay in go’aankaasi uu saamayn wanaagsan ku yeeshay nolosha qoysaska danyarta ah ee Somaliland, isla markaana ay si weyn u soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mustafe Shiine ayaa sidaas darteed ku baaqay in dib loo eego korodhka cusub ee qiimaha korontada, maadaama uu, sida uu sheegay, culays dheeraad ah ku yahay bulshada isla markaana uu wiiqayo dadaalladii lagu doonayey in korontadu noqoto adeeg jaban oo la awoodi karo.


0 





