Wasiirka Caddaaladda Somaliland Oo Sheegay In Dalka Laga Hirgelinayo Nidaam Caddaaladeed Oo Dijitaal Ah

0
Tuesday September 08, 2026 - 14:52:41 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caddaaladda Somaliland Oo Sheegay In Dalka Laga Hirgelinayo Nidaam Caddaaladeed Oo Dijitaal Ah

    "Dhawaan waxa aanu hirgelin doonaa nidaam caddaaladeed oo Digital ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhawaan waxa aanu hirgelin doonaa nidaam caddaaladeed oo Digital ...



Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sheegay in dhawaan dalka laga hirgelin doono nidaam caddaaladeed oo dijitaal ah, kaas oo lagu casriyeynayo habka loo maareeyo loona dabagalo kiisaska caddaaladda.

 

Wasiirka ayaa sheegay in nidaamkan cusub uu adeegsan doono hab fogaan-arag ah, isla markaana lagu dabageli doono kiisaska iyo eedaysanayaasha laga bilaabo heerka saldhigyada booliska ilaa marxaladaha kala duwan ee nidaamka maxkamadaha.

 

"Dhawaan waxa aanu hirgelin doonaa nidaam caddaaladeed oo Digital ah,” ayuu yidhi Wasiir Yoonis Axmed Yoonis.

 

Wasiirka Caddaaladda ayaa hadalkan ka sheegay munaasibadda xil-wareejinta Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo ku-simaha Garyaqaanka Guud, halkaas oo uu kaga hadlay qorshayaasha lagu horumarinayo nidaamka caddaaladda Somaliland.

 

Yoonis Axmed Yoonis ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay ka go’an tahay in nidaamka caddaaladda dalka la xoojiyo, lana gaadhsiiyo heer awood u siinaya inuu si hufan uga jawaabo baahiyaha bulshada.


Loading...
Loading...