Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Digay Khatarta Qabyaaladda
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab "Sandheere”, ayaa ka digay khatarta ay qabyaaladdu ku yeelan karto midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland.
Wasiir Cabdalle Sandheere ayaa sheegay in Somaliland aan looga baqayn cadow shisheeye oo waxyeello u geysta dalka, balse khatarta ugu weyn ay tahay in qabyaaladdu xoogaysato oo ay dhaawacdo isku-duubnida bulshada.
Wasiirka ayaa xusay in loo baahan yahay in laga hortago wax kasta oo sababi kara kala-qaybsanaanta bulshada, si loo ilaaliyo midnimada, wadajirka iyo xasilloonida Somaliland.
"Somaliland looga baqi maayo cadow shisheeye inuu wax ka qaado, laakiin waxa looga baqayaa qabyaalad xoogaysataa inay wax ina yeesho,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab "Sandheere”.
Wasiirka ayaa hadalkan ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in bulshada Somaliland ay ka feejignaato qabyaaladda iyo wax kasta oo wiiqi kara wadajirka shacabka iyo nabadgelyada dalka.


0 





