Guddoomiye Xirsi Oo Bogaadiyey Safarka Madaxweyne Cirro Ee Maraykanka

0
Monday September 07, 2026 - 15:02:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Xirsi Oo Bogaadiyey Safarka Madaxweyne Cirro Ee Maraykanka

    Guddoomiye Xirsi ayaa safarka Madaxweynaha ku tilmaamay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Xirsi ayaa safarka Madaxweynaha ku tilmaamay



Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si weyn u bogaadiyey safarka shaqo ee Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftiga uu hoggaaminayo ay ku joogaan dalka Maraykanka.

 

Guddoomiye Xirsi ayaa safarka Madaxweynaha ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta xidhiidhka istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.

 

Waxa uu sheegay in booqashadu fursad muhiim ah u tahay sii ambaqaadidda iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada ay wadaagaan danaha istaraatiijiga ah.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in safarka Madaxweynaha iyo weftigiisu uu door ka qaadan karo horumarinta danaha iyo himilooyinka qaranka Somaliland, isaga oo bogaadiyey dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.


Loading...
Loading...