Dedaallada Diblomaasiyadeed Ee Somaliland Ka Waddo Maraykanka Oo Muuqda Inay Marayaan Jidkii La Hiigsanayey
Dedaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ka waddo gudaha Maraykanka ayaa u muuqda kuwo galay marxalad muhiim ah, iyadoo la filayo in kulamada iyo wada-hadallada socda ay wax weyn ka tari doonaan himilooyinka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay Washington kala soo noqdaan natiijooyin muhiim ah oo ay Somaliland muddo dheer ku taamaysay, kuwaas oo haddii ay hirgalaan saamayn weyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Dedaalladan ayaa sidoo kale imanaya xilli Somaliland ay xoojinayso xidhiidhkeeda iyo iskaashigeeda dhinacyada caalamka, iyadoo doonaysa inay ka gudubto caqabadaha hortaagan qaddiyaddeeda aqoonsi iyo inay hesho taageero caalami ah oo ku salaysan dano wadaag.
Sida ay taageerayaasha qaddiyadda Somaliland aaminsan yihiin, waxaa muuqata in Somaliland ay heshay garab iyo taageero dhinacyo kala duwan ah, taas oo ay ku rajaynayso in lagu xoojiyo dadaallada ay ugu jirto sidii loo gaadhi lahaa himilooyinkeeda siyaasadeed.
Madaxweyne Cirro iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay marka uu soo dhamaado safarkoodu bulshada la wadaagaan natiijooyinka iyo waxyaabaha laga gaadhay kulamadii ay la yeesheen masuuliyiinta iyo dhinacyada kala duwan ee Maraykanka.
Faahfaahinta iyo xogaha la xidhiidha safarka iyo natiijooyinka kulamada ayaa la filayaa in la soo gudbiyo marka ay soo gaadho xilligooda ku habboon.


0 





