Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Tababar Ku Saabsan Waajibaadka Cashuuraha U Qabatay Hay'adaha Dawladda

0
Monday September 07, 2026 - 14:52:23 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Tababar Ku Saabsan Waajibaadka Cashuuraha U Qabatay Hay'adaha Dawladda

    Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale lagu tababaray ajuurooyinka iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale lagu tababaray ajuurooyinka iy



Hargeysa – Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, iyadoo kaashanaysa Xafiiska Hanti-dhawrka Guud, ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay tababar lagu xoojinayo fahamka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka cashuuraha ee kharashaadka hay’adaha dawladda.

 

Tababarka ayaa waxaa furay Wasiir-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, iyo Ku-xigeenka Hanti-dhawrka Guud, Mustafe Axmed Maxamed (Wadhaf), waxaana lagu baranayey habraacyada cashuuraha iyo masuuliyadda hay’adaha dawladda ee la xidhiidha reebista cashuuraha.

 

Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale lagu tababaray ajuurooyinka iyo kharashaadka la xidhiidha shaqaalaha, adeegyada, hantida raagta iyo mashaariicda ay fuliso dowladda, iyadoo xoogga la saaray sidii loo fahmi lahaa waajibaadka cashuureed ee qayb kasta.

 

Tababarka waxaa ka qaybgalay maareeyayaal, agaasimayaal, xisaabiyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday hay’adaha dawladda, jaamacadaha iyo xarumaha caafimaadka dawladda.

 

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa sheegay in tababarku qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo tayada maamulka maaliyadda, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta shuruucda cashuuraha dalka.

 

Sidoo kale, ka qaybgalayaasha ayaa lagu wacyigeliyey dambiyada, ciqaabaha iyo ganaaxyada ka dhalan kara ku xadgudubka waajibaadka cashuureed, si loo hubiyo in hay’adaha iyo masuuliyiintoodu si sax ah u gutaan waajibaadka ka saaran nidaamka cashuuraha.


Loading...
Loading...