Dufcadii 4aad Ee Mac-hadka Luuqada Carabiga Ee Kulliyada Shareecada Jaamacad Gollis Oo Munaasibad Sagootin Ah Loo Qabtay+Sawiro

0
Friday August 09, 2019 - 18:37:05 in News by
  • Visits: 2571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dufcadii 4aad Ee Mac-hadka Luuqada Carabiga Ee Kulliyada Shareecada Jaamacad Gollis Oo Munaasibad Sagootin Ah Loo Qabtay+Sawiro

    Dufcadii 4aad Ee Mac-hadka Luuqada Carabiga Ee Kulliyada Shareecada Jaamacad Gollis Oo Munaasibad Sagootin Ah Loo Qabtay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dufcadii 4aad Ee Mac-hadka Luuqada Carabiga Ee Kulliyada Shareecada Jaamacad Gollis Oo Munaasibad Sagootin Ah Loo Qabtay+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Mac-hadka barashada luuqada carabiga oo hoos taga kuliyada daraasaadka islaamka ee jaamacada Gollis ayaa xaflad sagootin ah u qabtay dufcadii afaraad ee dhamaysatay mac-hadkaasi.


Munaasibadan sagootinta ah oo ay ka soo qayb galeen maamulka jaamacada Gollis, maamulka mac-hadka luuqada carabiga, maamulka kuliyada daraasaadka islaamiga ah ee jaamacadaasi iyo marti sharaf kale.









Hormoodka kulliyada shareecada iyo daraasaadka islaamka ee jaamacada Gollis Sheekh Muuse Maxamed Cabdiraxmaan oo ka hadlay munaasibadan ayaa faah faahin ka bixiyey ardayda xaflada sagootinta ah loo qabtay waxaanu yidhi "Barnaamijka lagu diyaarinayo shahaadada Diploma ee takhasuska luuqada carabiga oo haatan dufcadii afaraad baxayso waa barnaamij aad u muhiim ah waayo luuqada carabigu maaha luuqad la siman luuqadaha kale sida lays yidhaahdo, waa luuqada ilaahay uu u doortay inuu ku soo dajiyo quraankiisa kariimka ah, waana luuqada nabigii ugu sharafta badnaa luuqadiisu ay noqoto carabi uu ilaahay u doortay sidaas darteed waxay noqotay luuqada furaha u ah barashada iyo fahamka diinta islaamka.”


Sidoo kale maamulaha mac-hadka barashada luuqada carabiga Abshir Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibadan ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedooyinka loo aas aasay mac-hadkan waxaanu yidhi "Mac-hadkan waxa la aas aasay sanadkii 2015 maantana waxaynu u fadhinaa dufcadii afaraad ee ka qalin jabisa, mac-hadkana waxa uu leeyahay ujeedooyin loo aas aasay waxaana ka mid ah in la xoojiyo luuqada carabiga iyada oo bulshadeena somaliland ay luuqadani u tahay midka labaad marka la eego diinteenana ay tahay luuqada koowaad, iyada oo taas laga duulayana waxa la aas aasay mac-hadkan, ujeedooyinka waa weyn ee loo aas aasay mac-hadkana waxa ka mid ah in bulshadeena luuqadan loo baro qaabka saxda ah, luuqada uu mac-hadkani dhigayana waxa bixiya macalimiin aan gabi ahaanba soomaali ahayn, waxa kale oo ujeedooyinkiisa ka mid ah in tadriib loo sameeyo macalimiinta dhiga.”









Dhinaca kale tartan dhinaca akhriska luuqada carabiga ah ayaa loo qabtay ardayda sanadkan dhamaysatay mac-hadka luuqada carabiga ee kulliyada shareecada jaamacada Gollis, waxaana ka war bixiyey mid ka mid ah guddidii gacanta ku haysay tartankaasi "tartankani dhawr waji ayuu ku saabsanaa kitaabka iyo qiraada jaamacada ayaana lagu tartamayey, waana sanadkii 2aad ee lagu tartamo iyada oo ardaydu ay si gaar ah u xiisaynayeen.”










Ugu dambayna munaasibadan ayaa abaal marin kala duwan lagu gudoonsiiyey arday kaalmaha hore ka gashay tartan luuqada carabiga iyo akhriska ah oo loo qabtay.


















Loading...
Loading...