Xildhibaan Mamduux Cismaan Sheekh Xasan Oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Garab Istaagaan Qadiyadda Somaliland
Xildhibaan Mamduux Cismaan Sheekh Xasan oo ka tirsan Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan qadiyadda Somaliland, isaga oo sheegay in dalku maanta marayo marxalad muhiim ah oo u baahan in la isku duubnaado.
Xildhibaanka oo ka qaybqaadanayey doodda ajandaha Golaha Guurtida, gaar ahaan qodobka la xidhiidha xaaladaha taagan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in bulshada iyo madaxda Somaliland ay gacmaha is qabsadaan, isla markaana si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qaranka.
"Maanta qaranku wuxuu ka baxayaa dalcad dheer, waxa loo baahan yahay in aynu garab istaagno,” ayuu yidhi Xildhibaan Mamduux Cismaan Sheekh Xasan.
Waxa uu sidoo kale Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftiga uu hoggaaminayo ee ku sugan Maraykanka u rajeeyey guul, isaga oo Alle uga baryey inay ka soo dhalaalaan ujeeddada ay dalkaas u tageen, gaar ahaan dadaallada la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.
Xildhibaan Mamduux ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay dhinac uga soo wada jeestaan guulaha qaranka, isla markaana ay taageeraan dadaallada lagu horumarinayo qaddiyadda Somaliland iyo danaha guud ee dalka.


0 





