Madaxweyne Geelle Oo Reer Jabuuti Ugu Baaqay Inay U Diyaar Garoobaan Difaaca Dalkooda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shacabka reer Jabuuti ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, isaga oo hadalkan ka sheegay xaflad uu xisbigiisu ku qabsaday magaalada Cali Sabiix.
Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal yar oo aanay shacabka reer Jabuuti haysan hanti ka weyn dalkooda, balse ay diyaar u yihiin inay wax walba u huraan sidii loo ilaalin lahaa loona difaaci lahaa dalkooda.
Geelle ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in shacabka Jabuuti ay heegan u ahaadaan difaaca dalkooda, isaga oo sheegay in dalkooda iyo jiritaankiisa la ilaashado ay tahay masuuliyad ka saaran dhammaan shacabka.
Madaxweynaha Jabuuti ma uusan si cad u sheegin khatarta uu ka digayo ama cidda uu u arko inay khatar ku tahay dalkiisa, taas oo hadalkiisa ka dhigtay mid dhalisay su’aalo ku saabsan sababta uu xilligan xoogga u saarayo diyaar-garowga iyo difaaca dalka.
Jabuuti oo ku taalla marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed iyo Bab-al-Mandab ayaa muhiimad istaraatiiji ah ku leh Geeska Afrika. Dalka ayaa sidoo kale ah marinka ugu weyn ee Itoobiya u isticmaasho ganacsigeeda badeed, maadaama Itoobiya tahay dal aan lahayn xeeb.
Qoraagu wuxuu xusay in muhiimadda istaraatiijiga ah ee Jabuuti ay sidoo kale la xidhiidho xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Yemen oo ku taalla dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed. Hase yeeshee, wuxuu ku doodayaa in isbeddello ka dhaca gobolka, gaar ahaan haddii Itoobiya hesho marin-badeed ay si madax-bannaan u isticmaasho ama Yemen ay yeelato dawlad xooggan oo caalamku si buuxda ula macaamilo, ay wax ka beddeli karaan danaha istaraatiijiga ah ee Jabuuti.
Sidaas darteed, hadalka Madaxweyne Geelle ee ku saabsan heeganka iyo difaaca dalka ayaa imanaya xilli Geeska Afrika iyo Badda Cas ay wajahayaan isbeddello siyaasadeed iyo amni oo saamayn ku yeelan kara mustaqbalka danaha istaraatiijiga ah ee dalalka gobolka.


0 





