Somaliland Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Ilaalinta Duurjoogta
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Waaxda Duurjoogta, ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda wefti ka socda Dowladda Federaalka Itoobiya.
Weftiga Itoobiya ayaa waxaa hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Duurjoogta Itoobiya (Ethiopian Wildlife Conservation Authority – EWCA), iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee dhinaca ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.
Kulanka ayaa si gaar ah looga wada hadlay sidii labada dhinac si wadajir ah uga hortagi lahaayeen ugaadhsiga iyo ka ganacsiga sharci-darrada ah ee duurjoogta, gaar ahaan kuwa ka dhaca ama saamayn ku yeesha xuduudaha Somaliland iyo Itoobiya.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-xidhka hay’adaha u xilsaaran ilaalinta duurjoogta, si wax looga qabto dambiyada la xidhiidha duurjoogta ee ka dhaca xuduudaha labada dal.
Booqashada weftiga Itoobiya ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada ilaalinta iyo dhowrista duurjoogta, iyadoo la doonayo in la helo hannaan wadajir ah oo lagaga hortago khataraha ku wajahan duurjoogta iyo deegaanka.


0 





