Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Yeelanaysa Nidaam Lagu Dabagalo Laguna Qiimeeyo Mashaariicda Horumarineed
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa sheegtay in markii ugu horraysay la sameynayo siyaasad iyo nidaam rasmi ah oo lagu dabagalo laguna qiimeeyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa sheegtay in nidaamkan cusub uu muhiim u yahay sidii dalka looga hirgelin lahaa hannaan mideysan oo lagu qiimeeyo waxqabadka, tayada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.
Wasiir Kaltuun ayaa tilmaantay in hay’adaha iyo ururrada dalka yimaadda ay mararka qaarkood la kulmi jireen caqabado la xidhiidha helitaanka hannaan mideysan oo lagu qiimeeyo mashaariicda ay dalka ka fuliyaan.
"Waa markii ugu horraysay ee aynu yeelanno siyaasad iyo nidaam lagu fulinayo dabagalka iyo qiimaynta mashaariicda dalka ka socota. Hay’adaha inoo yimaada waxa laga yaabaa inay inagu jahawareeraan wasaaradaha markay yimaadaan, dal oo dhan oo aan lahayn wax la isku qiimeeyo,” ayay tidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka.
Waxa ay sheegtay in Wasaaradda Qorshayntu ay dadaal ku bixinayso sidii mashaariicda dalka ka socda loo heli lahaa dabagal iyo qiimayn joogto ah, si loo hubiyo waxqabadkooda iyo sida ay u waafaqsan yihiin qorshayaasha horumarineed ee qaranka.
"Insha Allah, waxaan ku dadaalaynaa in mashaariicdeena si gaar ah Wasaaradda Qorshayntu u qiimayso, dabagalna ugu samayso,” ayay tidhi Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.


0 





