Eng Yariisow Oo Loogu Magac Daray Garoon Caan Ah Oo Ku Yaala Magaalada Muqdisho
Muqdisho(HWN):-Garoonka kubada cagta Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa laga badalay magacii isla markaana loogu magac daray gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii muqdisho Eng Yariisow.
Kulan loogu ducaynayey gudoomiyihii hore ee gobolka oo maanta lagu qabtay garoonkaasi ayaa sidoo kale laga shaaciyey in magaca laga badalay isla markaana loogu magac daray duqii qaraxa ku geeriyooday ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ducada ah ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raiisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ,xubnaha golayaasha kala duwan ee dowladda,kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadaasi ducada ayaa qirtay in Marxuum
Yariisow uu ahaa shaqsi ku weynayd wadaniyada,dal iyo dowlad jacaylka iyo in uu
horumar gaarsiiyo bulshadiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay
munaasabadaasi ducada ayaa ku dhawaaqay in Garoonkaasi Koonis hadda kadib loogu
magacdaray Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow).
Mas’uuliyiintan iyo shacabki tagay goobtaas ayaa Eebe uga baryay in uu janadii
Fardowsa uu ka waraabiyo,waxana madaxda dowladdu ay balanqaadeen in ay ka
warqabidoonaan qoyskii uu ka tagay marxuum Eng Yariisow.


0 





