Madaxweyne Cirro Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Washington D.C.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Washington D.C. ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu u tegay booqasho iyo kulamo rasmi ah.
Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Washington D.C. ku tagay martiqaad rasmi ah, iyadoo la filayo inuu halkaasi kula kulmo masuuliyiin iyo dhinacyo kala duwan.
Booqashada Madaxweyne Cirro ayaa ku soo beegmaysa xilli Somaliland ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xidhiidhka ay la leedahay Maraykanka iyo sidii loo heli lahaa taageero iyo iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo danaha istaraatiijiga ah.
Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa qayb ka ahayd munaasabadda lagu qaabilayay weftiga Somaliland ee gaadhay Washington D.C. si ay u guda galaan kulamada loo qorsheeyay inta ay dalka Maraykanka joogaan.


0 





