Cabdikariin Axmed Mooge Oo Reer Burco U Diray Fariin Ku Saabsan Horumarinta Magaaladooda
Maayirkii hore ee Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa fariin u diray bulshada reer Burco, isaga oo ku boorriyey inay dib ugu laabtaan magaalada Burco, kana qayb qaataan horumarinteeda iyo dhismaheeda.
Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in xilligii uu ahaa Maayirka Hargeysa uu dadka ku dhiirrigeliyey inay ku noqdaan magaalooyinkooda, balse xilligaas ay qaar ka mid ah reer Burco si kale u fasirteen hadalkiisa.
"Markii aan Maayirka Hargeysa ka ahaa ayaan idhi, ‘waar dadku ha ku noqdaan magaalooyinkooda,’ qolo reer Burco ah ayaa tidhi Cabdikariin foosto ayuu soo riixay oo reer Burco ayuu leeyahay ku noqda Burco,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in maanta oo aanu xil hayn uu haddana fariintaas ku celinayo reer Burco, isaga oo tilmaamay in waqtigan "foostadu dhab tahay” oo loo baahan yahay in dadka reer Burco ay booqdaan, dhisaan, horumariyaan, isla markaana maalgashadaan magaaladooda.
"Iminka ayaan idin leeyahay oo maanta xil ma hayo, foostaduna maanta ayey dhab tahay ee ku soo boqo magaaladaada oo dhiso. Dantaada ayaa ku jirta,” ayuu yidhi Cabdikariin.
Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sidoo kale xusay in magaalooyinka adduunku ay ku jiraan tartan dhinaca horumarka ah, isaga oo reer Burco ugu baaqay inay magaalada geliyaan tartanka horumarineed ee magaalooyinka.
"Adduunka iyo magaalooyinkuna tartan ayey ku jiraan oo Burco ayaa la doonayaa in aad tartan geliso,” ayuu yidhi.
Ugu dambayn, Maayirkii hore ee Hargeysa ayaa ka digay in haddii aan dadaal badan lagu bixin horumarinta Burco, ay suuragal tahay in magaalada ay lumiso kaalinta ay hadda kaga jirto magaalooyinka Somaliland. "Imika Burco caasimaddii labaad ayaa lagugu haystaa, haddii aad dedaali waydana caasimadda saddexaad waa lagugu qabsanayaa,” ayuu yidhi.


0 





