Madaxweyne Cirro iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo Saacadaha Soo Socda Gaadhaya Maraykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar diblomaasiyadeed ugu baxay dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda gaadhaan magaalada Washington, D.C., kaddib martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen dowladda Maraykanka.
Weftiga Madaxweynaha ayaa la filayaa inay Washington, D.C. ka degaan inta u dhaxaysa 4:00 ilaa 5:00 galabnimo, iyadoo socdaalkoodu qayb ka yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ku xoojinayso xidhiidhka ay la leedahay Maraykanka.
Inta ay ku sugan yihiin dalka Maraykanka, Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo iyo shirar kala duwan oo diblomaasiyadeed, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimo khuseeya xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo danaha istaraatiijiga ah ee labada dhinac.
Socdaalka Madaxweyne Cirro ee Maraykanka ayaa noqonaya safarkiisii diblomaasiyadeed ee ugu horreeyey ee uu ku tago dalka Maraykanka tan iyo markii uu xilka Madaxweynaha Somaliland la wareegay.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Somaliland ay xoojinayso dadaalladeeda diblomaasiyadeed iyo raadinta iskaashi caalami ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee gobolka.


0 





