Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland oo Ka Hadashay Horumarka Hawlaheeda Shaqo
Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, waxaana shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda oo uu weheliyo Agaasimaha Guud.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta waxqabadka iyo horumarka hawlaha shaqo ee Wasaaradda, iyadoo waaxyaha kala duwan ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan hawlihii ay qabteen, kuwa hadda socda iyo qorshayaasha xiga.
Masuuliyiinta ayaa intii uu shirku socday dib-u-eegis ku sameeyey hawlaha muhiimka ah ee Wasaaradda, iyadoo la qiimeeyey heerka ay marayaan qorshayaashii shaqo iyo waxyaabaha u baahan in la dardargeliyo.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo sii xoojin lahaa hufnaanta shaqo, isku-duwidda waaxyaha kala duwan iyo gudashada waajibaadka Wasaaradda, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha loo dejiyey ay si habsami leh u hirgalaan.
Shirarkan toddobaadlaha ah ayaa qayb ka ah nidaamka Wasaaradda ee lagu daba-galayo waxqabadka waaxyaha, laguna qiimeeyo hawlaha socda iyo qorshayaasha la doonayo in la fuliyo.


0 





