Guddoomiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Kulan la Yeeshay Xisbiyahannada iyo Aqoonyahanka Koodbuur iyo Gacmo-Dheere

0
Saturday September 05, 2026 - 14:02:56 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Kulan la Yeeshay Xisbiyahannada iyo Aqoonyahanka Koodbuur iyo Gacmo-Dheere

    Guddoomiye Xirsi ayaa haldoorka iyo aqoonyahanka labada degmo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Xirsi ayaa haldoorka iyo aqoonyahanka labada degmo...



Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay xisbiyahannada, dhalinyarada, haldoorka iyo aqoonyahanka degmooyinka Koodbuur iyo Gacmo-Dheere ee magaalada Hargeysa.

 

Kulanka oo ay sidoo kale ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xisbiga ayaa diiradda lagu saaray Barnaamijka Xubinnimada iyo Qaadhaanka Xisbiga (Party Membership and Subscription Program), iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa ka qaybgalka iyo xidhiidhka xubnaha xisbiga.

 

Guddoomiye Xirsi ayaa haldoorka iyo aqoonyahanka labada degmo la wadaagay qorshayaasha dib-u-habaynta Xisbiga WADDANI, isagoo faahfaahin ka bixiyey jihada iyo qorshayaasha xisbiga ee la xidhiidha horumarinta hawlihiisa.

 

Masuuliyiinta, haldoorka iyo aqoonyahanka ka qaybgalay kulanka ayaa sidoo kale la wadaagay Guddoomiyaha talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qorshayaasha, siyaasadaha iyo hawlaha xisbiga, iyadoo la is dhaafsaday fikrado ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa shaqada xisbiga.

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Xisbiga WADDANI ku xoojinayo xidhiidhka tooska ah ee uu la leeyahay xubnihiisa, dhalinyarada, aqoonyahanka, haldoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Kulamada noocan oo kale ah ayaa sidoo kale fursad u siinaya hoggaanka xisbiga inuu si toos ah uga dhegaysto aragtiyada iyo talooyinka xubnaha iyo bulshada, gaar ahaan kuwa la xidhiidha dib-u-habaynta iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Xisbiga WADDANI.


Loading...
Loading...