Wasiir Barkhad Batuun: "Waxaynu u baahan nahay feejignaan, isku-duubni iyo midnimo"

0
Saturday September 05, 2026 - 14:01:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Barkhad Batuun: "Waxaynu u baahan nahay feejignaan, isku-duubni iyo midnimo"

    Wasiir Barkhad ayaa bulshada ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Barkhad ayaa bulshada ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan..



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in marka ay kordhaan dadaallada Somaliland ay sidoo kale kordhaan caqabadaha iyo waxa uu ku tilmaamay "dibindaabyada cadowga”.

 

Wasiir Barkhad ayaa bulshada ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan, isku-duubni iyo garab istaag, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la muujiyo waddaniyad iyo midnimo gudaha iyo dibaddaba.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Markasta oo dadaalladeenu laba jibbaarmaan waa markasta oo dibindaabyada cadowgu ay laba jibbaarmaan. Waxaynu u baahan nahay feejignaan, isku-duubni, garab istaag, muujin waddaniyadeed iyo midnimo gudo iyo dibad ah.”

 

Wasiirka ayaa hadalkan ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Somaliland ay si wadajir ah uga shaqayso ilaalinta midnimada, xasilloonida iyo danaha guud ee dalka.


Loading...
Loading...