Guddoomiyihii Sanaag Maxamuud Raage oo Ka Hadlay Xil Cusub oo Madaxweyne Cirro u Magacaabay
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag, Maxamuud Raage, oo maanta Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo IGAD ee Somaliland, ayaa ka hadlay xilka cusub ee loo igmaday, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay isla markaana uu ku qanacsan yahay magacaabista Madaxweynaha.
Maxamuud Raage ayaa sheegay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Sanaag uu ahaa masuuliyad culus oo ay hareeyeen caqabado badan, gaar ahaan dhinaca amniga, isaga oo tilmaamay in guddoomiyaha gobolka uu mar walba diyaar u ahaa wax ka qabashada isku dhacyada iyo dhibaatooyinka ka dhaca deegaannada Sanaag.
Wuxuu sheegay in Gobolka Sanaag uu yahay deegaan ay ka jiraan caqabado kala duwan, balse intii uu xilka hayay uu dadaal u galay xakamaynta dhibaatooyinka iyo isku dhacyada ka dhacay gobolka.
Maxamuud Raage ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xilligan gobolka Sanaag aanu ka jirin dagaal ama xaalad amni oo culus, isagoo tilmaamay inay taasi tahay arrin uu ku faraxsan yahay marka uu xilka guddoomiyenimo ka wareegayo.
Isagoo ka hadlayay xilka cusub ee loo magacaabay, ayuu yidhi:
"Anigu waxaan aaminsanahay in qofku u shaqaynayo qarankiisa. Runtii ma dhibsanayn Guddoomiyaha Gobolka Sanaag inaan ahaado. Waa meel caqabado badan oo aanad habeen iyo maalin seexanayn, telefoonkaaguna furnaanayo, isku dhacyada iyo dhibaatooyinkuna iska badan yihiin.”
Waxa uu intaas ku daray: "Waxaana ii farxad ah maanta in meel dagaal iyo dhib ka taagan yahay Gobolka Sanaag aanu jirin. Xilkaa cusub ee Madaxweynuhu ii dhiibayna waan ku faraxsanahay, waana ku qanacsanahay.”
Maxamuud Raage ayaa xilka cusub ku wajihi doona hawlo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo hay’adaha gobolka sida Midowga Afrika iyo IGAD, kaddib markii Madaxweynaha Somaliland uu maanta u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan labadaas hay’adood.


0 





