Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Kormeeray Jiidaha Hore ee Gobolka Sanaag

0
Wednesday September 02, 2026 - 18:52:24 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Kormeeray Jiidaha Hore ee Gobolka Sanaag

    Intii uu kormeerku socday, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa warbixinno,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa warbixinno,,,

No photo description available.



Wasiirka Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta kormeer ku tegay jiidaha hore ee Gobolka Sanaag, halkaas oo ay ugu kuurgaleen xaaladda Ciidanka Qaranka iyo habsami-u-socodka waajibaadkooda.

 

Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku marayay gobollada bariga Somaliland ayaa kormeeray fadhiisamada ciidamada ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan fadhiisanka hore ee Jiidali iyo deegaannada hoos yimaadda.

 

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa warbixinno ka dhegeystay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan jiidda, iyagoo xog ka helay xaaladda guud ee ciidamada, duruufaha ay ku shaqeeyaan iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday.

 

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale qiimeeyay xaaladda fadhiisamada iyo habsami-u-socodka hawlaha ay ciidamada ka wadaan jiidaha hore, iyadoo kormeerku qayb ka yahay safarka shaqo ee ay ku marayaan deegaannada bariga Somaliland.

 

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, dadaalka iyo adkaysiga ay u muujinayaan gudashada waajibaadkooda, iyagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadgelyada, xasilloonida iyo xuduudaha Somaliland.

 

Mas’uuliyiintu waxay ciidamada u jeediyeen inay sii wadaan gudashada waajibaadkooda qaran, isla markaana ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka ciidanka inta ay ku guda jiraan hawlaha loo igmaday.

Loading...
Loading...