Trump oo Ganacsade reer Venezuela ah u xilsaaray Mashruuc lagu Horumarinayo Shidaalka Venezuela

0
Wednesday September 02, 2026 - 11:43:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Ganacsade reer Venezuela ah u xilsaaray Mashruuc lagu Horumarinayo Shidaalka Venezuela

    Heshiiska cusub ayaa dhigaya in Maraykanku helo 35 boqolkiiba,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in Maraykanku helo 35 boqolkiiba,,,



Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ganacsadaha reer Venezuela Alejandro Betancourt u xilsaaray hoggaaminta mashruuc cusub oo uu Maraykanku taageerayo, kaas oo lagu horumarinayo kheyraadka shidaalka Venezuela, sida ay ku waramayso warbaahinta Al Jazeera.

 

Betancourt, oo hanti badan sameystay xilligii Madaxweyne Hugo Chavez, ayaa horey ula kulmay baaritaanno la xidhiidha eedeymo musuqmaasuq iyo lacag-dhaqid ah, inkastoo aan lagu helin xukun dembiyeed, sida lagu sheegay warbixinnada la xidhiidha ganacsadaha.

 

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in Maraykanku helo 35 boqolkiiba saamiga shirkadda North American Blue Energy Partners (NABEP), oo ah shirkad shidaal oo uu hoggaamiyo Betancourt. Shirkadda ayaa sidoo kale loo qoondeeyey 17 goobood oo shidaal oo la sheegay inay leeyihiin kayd la xaqiijiyey oo ku dhow 65 bilyan oo foosto.

 

Sida warbixintu sheegtay, heshiisyada la xiriira goobaha shidaalka ayaa ah kuwo muddo dheer soconaya oo gaadhaya ilaa 100 sano, taasoo mashruuca ka dhigaysa mid muddo fog lagu qorsheeyay horumarinta iyo soo saarista shidaalka Venezuela.

 

NABEP ayaa qorshaynaysa inay maalgeliso illaa $100 bilyan si loo ballaadhiyo kaabayaasha shidaalka iyo awoodda wax-soo-saarka dalka, iyadoo hadafku yahay in wax-soo-saarka Venezuela kor loogu qaado wax ka badan hal milyan oo foosto maalintii.

 

Dowladda Trump ayaa heshiiskan u aragta fursad lagu xoojinayo amniga tamarta Maraykanka iyo helitaanka kheyraad shidaal oo istaraatiiji ah, halka Venezuela ay ka filayso inuu dalka u horseedo maalgelin iyo dhaqaale dheeraad ah.

 

Heshiiskan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli Venezuela ay raadineyso in dib loo kobciyo waaxdeeda shidaalka, iyadoo maalgelin iyo kaabayaal cusub loo arko kuwo muhiim u ah kordhinta wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha dalka.


Loading...
Loading...