Taliyaha Dab-demiska Somaliland oo Bogaadiyey Ciidanka Burco kadib Hawlgalkii Booyadda Shidaalka
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan "Sawaaxili”, ayaa bogaadiyey dadaalka, naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujiyeen Ciidanka Dab-demiska Gobolka Togdheer, gaar ahaan kuwa ka hawlgala magaalada Burco, kaddib markii ay door muhiim ah ka qaateen xakamaynta dab ka kacay booyad shidaal siday.
Qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa lagu sheegay in Taliyuhu uu si gaar ah u ammaanay hawlgalka ay ciidamada ka fuliyeen magaalada Burco, isagoo ku tilmaamay mid muujiyey kartida iyo dhiirranaanta ciidanka marka ay wajahaan xaaladaha degdegga ah.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka dab-demiska Burco ay muujiyeen geesinimo, isla markaana ay ka qayb qaateen badbaadinta hanti ay leeyihiin muwaadiniinta, xilli ay jiraysay khatar ka dhalan karta dabka ka kacay booyadda shidaalka.
Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan "Sawaaxili” ayaa si gaar ah u bogaadiyey sida ciidanku uga hortageen in dabka ka kacay booyadda uu ku fido xarunta shidaalka ee Som Petroleum, maadaama booyaddu siday shidaal isla markaana ay buuxday.
Taliyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maayirka Burco, ku-xigeenkiisa, Golaha Deegaanka, Taliyaha Qaybta Booliska, Ciidanka Milatariga, laamaha kale ee amniga iyo guud ahaan shacabka Burco, isagoo sheegay in iskaashiga iyo garab istaagga bulshada ay muhiim u yihiin hawlaha samatabixinta iyo dab-demiska.
Taliyuhu wuxuu xusay in wada-shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada, laamaha amniga, maamulka gobolka iyo shacabka ay door weyn ka qaadato in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha dabka iyo musiibooyinka kale ee ka dhaca magaalada.


0 





