Tirada Maraakiibta Ka Gudbaysa Marinka Hormuz oo Hoos U Dhacday
Afar markab oo xamuul ganacsi ah ayaa Talaadadii ka gudbay Marinka Hormuz, taas oo hoos uga dhacday 10 markab oo marinkaasi ka gudbay maalin ka hor, halka celceliska 10-kii maalmood ee u dambeeyay uu ahaa ku dhawaad 13 markab maalintii, sida ay Reuters sheegtay.
Xog hordhac ah oo ay soo saartay shirkadda la socodka maraakiibta ee Kpler, laguna diiwaangeliyey 0200 GMT, ayaa muujinaysa in afarta markab ay kala ahaayeen hal markab oo aad u weyn oo qaada saliidda caydhiin, hal booyad nooca Panamax ah, hal markab xamuul oo Kamsarmax ah iyo hal booyad dhexdhexaad ah.
Si kastaba ha ahaatee, tirada maraakiibta la diiwaangeliyey ayaa isbeddeli karta, maadaama qaar ka mid ah maraakiibta ay inta ay safarka ku jiraan damiyaan qalabka gudbiya xogta goobta iyo dhaqdhaqaaqa markabka.
Hoos u dhaca ku yimid dhaqdhaqaaqa maraakiibta ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha militari ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran. Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay inuu qaaday duqeymo cirka ah oo isdaba joog ah oo ka dhan ah Iran, halka Tehran ay sheegtay inay qaaday tallaabooyin aargoosi ah.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in weerarrada Maraykanku ay sii adkayn doonaan xannibaadda iyo xaddidaadda marinka Hormuz, oo ah marin-biyood istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo tamarta caalamka.
Marinka Hormuz ayaa muhiimad gaar ah u leh suuqa shidaalka adduunka, waxaana xilliyada caadiga ah maraakiibtiisa mara qayb weyn oo ka mid ah shidaalka caalamka laga isticmaalo. Sidaas darteed, hoos u dhac weyn oo ku yimaada isu-socodka maraakiibta ayaa kor u qaadi kara walaaca laga qabo saameynta colaadda ku yeelan karto sahayda tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah.


0 





