Dekedda Berbera oo Gelitaankeeda Shuruud Looga Dhigay Kaadhka Aqoonsiga

0
Tuesday September 01, 2026 - 17:04:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda Berbera oo Gelitaankeeda Shuruud Looga Dhigay Kaadhka Aqoonsiga

    Kulanka oo ay ka qayb-galeen Booliska, Ilaalada Xeebaha, DP World iyo Kastamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka oo ay ka qayb-galeen Booliska, Ilaalada Xeebaha, DP World iyo Kastamka



Berbera (Hadhwanaagnews.com): Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland, Abokor Cawil Cumar, ayaa kulan amni la yeeshay waaxyaha kala duwan ee ka hawlgala Dekedda Berbera.

 

Kulanka oo ay ka qayb-galeen Booliska, Ilaalada Xeebaha, DP World iyo Kastamka Berbera ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo wada-shaqaynta hay’adaha ka hawlgala dekedda.

 

Masuuliyiintu waxay si gaar ah u adkeeyeen in dhammaan dadka soo galaya Dekedda Berbera ay wataan kaadhka aqoonsiga ee gelitaanka dekedda, si loo xaqiijiyo cidda gudaha u gelaysa xarunta.

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam adag oo aqoonsi iyo amni ah, si loo ilaaliyo badqabka, kala dambaynta iyo habsami-u-socodka hawlaha Dekedda Berbera.


Loading...
Loading...