Guddida Wakiillada iyo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo Ka Wada Hadlay Xeerka Waddo-marista

0
Tuesday September 01, 2026 - 17:02:35 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Wakiillada iyo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo Ka Wada Hadlay Xeerka Waddo-marista

    Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddida, Axmed Xasan Cali (Casoowe),...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddida, Axmed Xasan Cali (Casoowe),...



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland, kaas oo lagaga wada hadlay wax-ka-beddelka iyo xoojinta dhaqan-gelinta Xeerka Waddo-marista Gaadiidka.

 

Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddida, Axmed Xasan Cali (Casoowe), ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray badbaadada waddooyinka, nidaaminta gaadiidka, calaamadaha waddooyinka, ilaalinta shuruucda iyo yaraynta shilalka gaadiidka.

 

Labada dhinac ayaa isla eegay caqabadaha hortaagan dhaqan-gelinta xeerka, iyaga oo adkeeyey muhiimadda wada-shaqaynta hay’adaha ay khusayso, wacyigelinta bulshada iyo adkaynta fulinta shuruucda waddooyinka.

 

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo badbaadada waddooyinka iyo in la helo nidaam gaadiid oo habaysan, ammaan ah oo waafaqsan sharciga.


Loading...
Loading...