Guddoomiye Ku-xigeenka Maroodi-Jeex oo Ka Hadlay Xisbiga Kaah
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex, Weli Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in Xisbiga KAAH uu ka baxay xudduudihii mucaaradnimada, isaga oo ku eedeeyey inuu la safanayo dalal uu ku tilmaamay kuwo ka soo horjeeda qadiyadda Somaliland.
Weli Cabdi Jaamac ayaa sheegay in xilligii ay isaga iyo masuuliyiinta KAAH mucaaradka ahaayeen aanay taageeri jirin cid uu ku tilmaamay cadowga Somaliland.
Waxa uu yidhi:
"Xisbiga KAAH wuu ka baxay xudduudii mucaaridnimada Somaliland.”
Guddoomiyaha ayaa sheegay in KAAH uu hadda la mawqif noqday Turkiga, Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay ka soo horjeedaan Somaliland.
Weli Cabdi Jaamac ayaa sidoo kale taageeray in Xisbiga KAAH lagala noqdo ruqsadda xisbinimo, isaga oo ku sababeeyey in mucaaradnimada xisbigu gaadhay heer uu la safanayo dhinacyo uu ku tilmaamay kuwo ka soo horjeeda qadiyadda Somaliland.


0 





