Booyad Shidaal Siday oo Ku Gubatay Burco
Burco (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer, Siciid Axmed Raage, ayaa faahfaahin ka bixiyey dab ka kacay booyad shidaal u siday Shirkadda Som Petroleum oo ku taalla magaalada Burco.
Guddoomiye Siciid ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay dabka uu yahay mid kooban, isla markaana aanu dabku geysan dhibaato weyn. Waxa uu xusay in Ciidanka Dab-demiska Burco ay ka qayb qaateen hawlgalkii lagu damiyey dabka.
Waxa uu yidhi:
"Waxa gubatay booyaddii shidaalka u siday shirkadda Som Petroleum.”
Dhanka kale, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer ayaa sheegay in la samayn doono baadhitaan lagu ogaanayo sababta keentay in booyaddu gubato iyo waxa sababay dabka.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in faahfaahinta natiijada baadhitaanka la filayo in la ogaado kaddib marka ay ciidamada amnigu soo gabagabeeyaan hawsha baaritaanka.


0 





