Qorbajooga Araboow,Qalad Baad Samayseen, Qonde Inaydin Doontan,Qorsha Loo Samaysta, Qayrkaa Lagula Beretamo.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.
1-Qoonde Uma Baahnine,Qorsha Loo Lahaada,
Qofna Lama Amaahsho,Qaybsiga Awoodaha,
Qoysnimo Midooboo,Barta Qaabka Loo Maro.
2-Qaadirkeen Naguma Qaban,Qoondo Layna Siiye,
Qabyaaladiiyo La Muuseeyay,Qaranimadi Weeye,
Qorshe Miydin Dhigan,Qudanjirin Qoryowguro.
3-Qoonkii Midaysani,Tartanka Kuma Qadaayaano,
Qaydhiin Laba Ku Qaybsaday,Isma Quuddareyan,
Quruskeeni Lama Cunine,Ha Qawadin Qorkaagii.
4-Qolyaha Awdal Iyo Araba,Qaybta Urur Madhafan,
Isu Quudhi Waagooda,Qilaafaad Dhexdooda Ah,
Waxba Nalaga Qadiyay Iyo,Qawdkana Ma Daayan.
5-Qorsha Doorashada Qaranka,Qofkoodii Istaagba,
Qoortay Ka Gooyaano,Qaar Kalaa Qabaansanaya,
Qayarkood Ma Gaadhaane,Haddaba May Isqariyan.
Ismail Handuleh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





