Madaxweyne Cirro oo Kormeeray Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

0
Monday August 31, 2026 - 13:12:54 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro oo Kormeeray Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

    Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Xukuumaddu si dhab ah uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Xukuumaddu si dhab ah uga



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka booqasho shaqo ku tegay Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu soo kordhiyey 12 mishiin oo cusub oo loogu talagalay adeegga sifaynta kelyaha.

 

Madaxweynuhu waxa uu kormeer ku sameeyey adeegyada cusub, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Cusbitaalka, isla markaana mid mid ula kulmay bukaannada ku tiirsan adeegga sifaynta kelyaha, kana waraystay xaaladdooda caafimaad iyo adeegyada ay helaan.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Xukuumaddu si dhab ah uga jawaabtay cabashooyinkii bukaannada qaba xanuunnada kelyaha, isaga oo xusay in daryeelka bukaannada iyo horumarinta adeegyada sifaynta kelyaha mudnaan gaar ah la siinayo.

 

Kordhinta 12-ka mishiin ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Xukuumadda ee lagu horumarinayo adeegyada sifaynta kelyaha, laguna xaqiijinayo helitaanka agabka, daawooyinka iyo adeegyada muhiimka ah ee bukaannada u baahan daaweyntan joogtada ah.

 

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in daryeelka caafimaadku yahay masuuliyad qaran, isla markaana Xukuumaddiisu ka go’an tahay in muwaadiniintu helaan adeeg caafimaad oo tayo leh.

 

Waxa kale oo uu sheegay in horumarinta adeegyada caafimaadku aanay ku koobnayn wax ka qabashada baahiyaha maanta jira, balse ay tahay in la dhiso nidaam caafimaad oo waara oo u adeega jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale shaaciyey in mishiinnada sifaynta kelyaha la gaadhsiin doono Cusbitaallada Boorama iyo Burco, halka Cusbitaalka Ceerigaabo mustaqbalka dhow laga hirgelin doono qayb u gaar ah adeegga sifaynta kelyaha.

 

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshayaasha Xukuumadda ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan adeegyada si toos ah u taabanaya nolosha iyo daryeelka bulshada.


Loading...
Loading...