Madaxweyne Cirro oo Shaaciyey in Cisbitaalka Hargeysa Lagu Kordhiyey 12 Mashiin oo Sifaynta Kelyaha ah
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa lagu soo kordhiyey 12 mashiin oo sifaynta kelyaha ah, kuwaas oo uu sheegay inay hadda wixii ka dambeeya si buuxda u shaqayn doonaan.
Madaxweynaha oo ka hadlayey mashiinnada cusub ee maanta lagu kordhiyey Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sheegay in tallaabadani qayb ka tahay horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bukaannada qaba xanuunnada kelyaha.
Waxa uu yidhi:
"Waxa aanu Cisbitaalka Hargeysa ku soo kordhinay 12 mashiin oo shaqaynaya.”
Mashiinnadan ayaa la filayaa inay kordhiyaan awoodda Cisbitaalka Guud ee Hargeysa u leeyahay bixinta adeegga sifaynta kelyaha, isla markaana ay u fududeeyaan bukaannada u baahan adeeggan inay helaan daaweyn joogto ah.


0 





