Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Ku Dhawaaqay Mushahar Kordhin 50% ah

0
Monday August 31, 2026 - 13:02:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Ku Dhawaaqay Mushahar Kordhin 50% ah

    Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan

May be an image of one or more people



Oog (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta jiidda hore ee Ciidanka Qaranka ee Oog kula kulmay saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

 

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-xog-waraysi, dhagaysiga baahiyaha ciidanka iyo ka-tashiga xaaladda askarta, iyadoo masuuliyiintu si qoto dheer u dhegaysteen qodobada iyo tabashooyinka ay ciidanku soo bandhigeen.

 

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan ilaalinta qarannimada, nabadgelyada shacabka iyo difaaca xuduudaha Somaliland, iyaga oo sheegay in daryeelka askarta muhiimad gaar ah la siinayo.

 

Masuuliyiinta ayaa ciidamada ugu bushaareeyey in qorshaha horumarinta Ciidanka Qaranka lagu daray mushahar kordhin boqolkiiba 50 ah, taas oo la sheegay inay si rasmi ah u dhaqan geli doonto bisha January 2027.

 

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe lagu tayaynayo nolosha iyo adeegyada Ciidanka Qaranka, iyadoo sidoo kale la doonayo in la horumariyo qalabka iyo awoodda ciidanka.

 

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ugu dambayn ciidamada faray inay ilaashadaan anshaxa, midnimada iyo kala dambaynta ciidannimo, iyaga oo xusay in tabashooyinka iyo dareennada jira lagu gudbiyo habraacyada rasmiga ah ee ciidanka.

 

Kulanka ayaa muujiyey sida Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Guud ee Ciidanka Qaranku u doonayaan inay xoojiyaan wada-shaqaynta hoggaanka iyo ciidamada ku sugan jiidaha hore.

Loading...
Loading...