Hoggaanka WADDANI oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Gobolka Maroodijeex

0
Sunday August 30, 2026 - 13:25:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 15
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka WADDANI oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Gobolka Maroodijeex

    Xirsi ayaa sheegay inuu kulanka kaga helay masuuliyiinta gobolka talooyin i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xirsi ayaa sheegay inuu kulanka kaga helay masuuliyiinta gobolka talooyin i


May be an image of one or more people, table, dais and newsroom



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodijeex iyo degmooyinkiisa, kaas oo lagaga wada hadlay dib-u-habaynta iyo casriyeynta xisbiga.

 

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hirgelinta Barnaamijka Xubinnimada iyo Qaadhaanka Xisbiga, oo qayb ka ah qorshayaasha xisbiga lagu casriyeynayo laguna dardargelinayo hawlaha xubinnimada.

 

Sidoo kale, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhagaystay talooyinka iyo fikradaha masuuliyiinta Gobolka Maroodijeex, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata hawlaha iyo dardargelinta shaqada Xisbiga WADDANI.

 

Xirsi ayaa sheegay inuu kulanka kaga helay masuuliyiinta gobolka talooyin iyo fikrado wax-ku-ool ah, isaga oo tilmaamay in ay yihiin kaadir qiimo badan oo muddo dheer shaqo u hayey xisbiga.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Farxad weyn ayay ii ahayd inaan la kulmo masuuliyiinta Gobolka ee Xisbiga, oo ah kaadir qiimo badan oo shaqo baaxad leh u haya xisbiga, horena ugu soo hayey, aniga oo dhegaystay talooyinkooda iyo fikradahooda wax-ku-oolka ah ee lexajeclada badan ka muuqatay.”

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada hoggaanka WADDANI ku doonayo inuu ku xoojiyo qaab-dhismeedka xisbiga, ka-qaybgalka xubnaha iyo wada-tashiga masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka.

Loading...
Loading...