Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Xoojisay Hagaajinta Xogta Waxbarashada
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Cabdiraxmaan Xaaji Xuseen Xirsi, ayaa guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray hagaajinta iyo xoojinta xogta waxbarashada.
Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey diyaargarowga sannad-dugsiyeedka 2026/2027, dardargelinta qorshayaasha cusub iyo horumarinta nidaamyada Wasaaradda.
Masuuliyiintu waxay xoogga saareen sidii loo heli lahaa xog waxbarasho oo sax ah, la isku halayn karo, taas oo gacan ka geysan karta in lagu saleeyo go’aannada iyo qorshayaasha waxbarashada xog sugan.
Agaasimaha Guud ayaa Agaasime Waaxeedyada ku boorriyey inay xoojiyaan wada-shaqaynta, isku-duwidda hawlaha iyo gudashada waajibaadkooda si hufan oo xilkasnimo leh.


0 





